Xiddiga Faransiiska Paul Pogba ayaa u hambalyeeyay saaxiibkiis Benjamin Mendy, ciyaaryahankii hore ee Manchester City, ka dib markii maxkamad ku taal Britain ay ku xukuntay dhammaan dambiyada kufsiga iyo isku day kufsi ee lagu soo oogay.
Pogba ayaa soo dhigay sawirka isaga iyo Mendy oo muuqaal ah, wuxuuna ku soo lifaaqay faallooyin,
“Alxamdulillaah, walaalkay.. Aad baan u faraxsanahay.. Dhammaan kuwii xumaanta kaa sheegay, waxaan doonayaa inaan arko iyagoo nadiifinaya magacaaga. , ma sugi karo inaan mar kale ku gu arko garoonka."
Laacibkii hore ee Faransiiska ayaa ilmeeyay Jimcihii, ka dib markii xeerbeegtida Britain ay ku waayeen eedeymaha. Mindy, oo 28 jir ah, ayaa madaxa dhigay jilbaha dhexdooda oo ilmada iska masaxay markii uu dhegaystay xukunka dhammaadkii 3 toddobaad oo dacwad ah oo ka socotay maxkamadda Chester Crown Court ee woqooyi galbeed England.
Bishii Janaayo ee la soo dhaafay, Mindy waxaa lagu waayay dambi ah 6 dacwadood oo kufsi ah iyo mid xadgudub galmo ah.
Laakin xeerbeegtida dhageysiga dacwadii Janaayo waxay awoodi waayeen inay go'aan ka gaaraan kiis toddobaad oo kufsi ah, iyo mid kale oo isku day kufsi ah, taasoo keentay in dib loo maxkamadeeyo.
Mendy, oo qandaraaskiisa Manchester City dhacay bishii June, ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.
"Benjamin Mendy wuxuu jeclaan lahaa inuu u mahadceliyo xubnaha maxkamadda sida ay diiradda u saareen caddeymaha dacwaddan, halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwo eega xanta iyo been-abuurka ah ee daba socday kiiskan bilowgiis," qareenkiisa ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.
Waxa uu intaasi ku daray “Waa markii labaad ee Mr. Mindy la soo taago oo aanay wax danbi ah ku lahayn guddida maxkamaddu, waxa uu ku faraxsan yahay in maxkamaddu gaadho xukun sax ah, ku dhawaad 3 sanno ayaa ka soo wareegtay markii uu boolisku bilaabay baadhitaanka kiiskan. Mr. Mindy waxa uu isku dayay in uu sii xoogaysto laakiin hawlgalka ayaa si lama filaan ah u saameeyay isaga."
"Isaga (Mindy) waxa uu u mahadcelinayaa qof kasta oo taageerayay intii uu ku jiray dhibaatadan, oo hadda waxa uu codsadaa qarsoodi si uu dib ugu dhiso noloshiisa," ayaa lagu daray bayaanka.
Mendy, oo 28 jir ah, ayaa City ku biiray 2017, waxaana baaritaan ku sameeyay booliska ka dib eedeymo ay 13 dumar ah u soo jeediyeen isaga iyo ninka ay wada socdeen ee Luis Saha Maturi.
Kulankii ugu dambeeyay ee Mendy uu la qaatay City waxa uu ahaa kulankii Tottenham August 15, 2021, kooxda ayaana ganaaxday dabayaaqadii bishaas kaddib markii la xiray.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa City kaga soo biiray Monaco lacag dhan 52 milyan ginni oo u dhiganta 68 milyan oo doolar.
Mendy ayaa City kula guuleystay 3 jeer horyaalka Ingiriiska, inkastoo dhaawacyo ay hoos u dhigeen ka qeyb galkiisa, waxaana daafaca bidix lagu sameeyay qaliin jilibka ah xilli ciyaareedkii 2018-2019.