Warka Dag Daga ah

Daawo- Messi oo ka gudbay iftiin cas ee samaafaraha oo ka badbaaday shil baabuur ee California

 


Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa ka badbaaday shil baabuur oo uu la socday xilli uu gaadhi uu la socday uu marayay magaalada Fort Lauderdale ee gobolka California saacado ka hor inta uusan Inter Miami si Rasmi ah u shaacin heshiiska xiddigaan.

Kanaalka "Tyc Sports" ee Argentine ayaa ku daabacay muuqaal  baraha bulshadda oo ku saabsan qaabka uu uga gudbay samaafaraha oo ah qaab qaldan.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Marca” ee dalka Spain, dhacdada ayaa ku bilaabatay Messi oo ka tagay xarunta Inter Miami asagoo qaatay gaari cad oo qaali ah oo SUV ah, wuxuuna ku dhawaaday inuu ku dhaco gaari kale.





Waxa ay intaa ku dartay in ay iska caddahay in waxa dhacay uusan qalad ku laheeyn Messi, sababtoo ah waxaa mashquuliyay taageerayaal xilli uu ku soo dhawaaday meel isgoys ah.

Muuqaalkan ayaa muujinaya in Messi uu jaray signalka in kasta oo uu nalka cas ku jiro, balse waxa xaqiiqo ah in uu la socday ciidanka nabad-gelyada waddooyinka oo sitay seeriga digniinta ah, taas oo xaq u siinaysa in uu dhaafo signalka maadaama uu ku sigtay inuu ku dhaco baabuur kale.

Waxayna “Marca” sii raacisay markii ay xaqiijisay in darawalka dhanka kale ka imaanayay ay ahayd inuu arrinkaan uu fiiro gaar ah u yeesho, iyadoo xustay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay inaan cidna wax ku noqon, maadaama Messi iyo darawalkii kale ay horay ugu guuleysteen inay xakameeyaan gaadiidkooda.

Wax dhacay marka loo eego sharciga waddooyinka ee dalka Mareykanka, qofkii ka gudba nalka cas waxaa lagu ganaaxi doonaa inta u dhexeysa $150 iyo $300, iyadoo ee ku xiran tahay xaaladda waddada aad joogto.

Waxa intaa dheer in 3 dhibcood loogu daray hadhaagiisa darwalka markaas jawiya sharciga wadooyinka, si haddii hadhaaga darawalku gaadho 12 dhibcood, lagala noqonayo liisanka.

Inter Miami ayaa ku dhawaaqday heshiiska Messi

Kooxda ka dhisan dalka Maraykanka ee Inter Miami, ayaa ku dhawaaqday in xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi uu si rasmi ah u saxeexay heshiis dhacaya 2025-ka.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan talaabadan xigta ee xirfadayda ka bilaabo Inter Miami iyo Maraykanka Gurigayga cusub” ayuu yidhi Messi. .

36-jirkan ayaa gaaray Florida si uu u dhameystiro heshiiska, waxaana lagu qiyaasay inuu ku kacayo 60 milyan oo Yuuro sanadkii.

Maalqabeenka Cuba-Maraykanka ah ee Jorge Mas, ahna mulkiilaha kooxda Inter Miami, ayaa waraysi hore oo uu siiyay wargeyska Isbaanishka ee El País ku sheegay “Mushaharka Messi waxa uu noqon doonaa inta u dhaxaysa 50 ilaa 60 milyan oo Yuuro sanadkii”.

Mas waxa uu intaa ku daray, "Heshiisku waxa uu dhigayaa in Messi, marka uu ka fadhiisto shaqada, uu heli doono saamiga lahaanshaha kooxda, waxa kale oo uu dhaqaale dheeraad ah ka heli doonaa dakhliga ka soo baxa baahinta telefishanada ee uu leeyahay" APPLE TV "platform, iyo saami qaybsiga. iibka shaadhka Adidas."

Xidigii hore ee Barcelona iyo Paris Saint-Germain, ayaa loo soo bandhigi doonaa taageerayaasha inta lagu guda jiro xaflad rasmi ah oo ka dhici doonta garoonka kooxda maanta oo Axad ah.

Post a Comment

Previous Post Next Post

Search This Blog

Contact Form