Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa dib usoo laabtay kaddib toddobaad fasax ah, waxaana lagu furayaa ciyaar xaasaasi ah oo u dhaxaysa Manchester City iyo Liverpool oo natiijada kulankoodu uu muhiimad weyn u leeyahay labada kooxood iyo naadiyada kale ee ay loollamayan.
Tababare Pep Guardiola ayay kooxdiisu garoonkeeda Etihad Stadium ku martigelinaysaa Liverpool oo ku jirta xilli ciyaareed aad u xun oo kaalinta lixaad ka fadhida miiska kala-sarraynta, halka City ay labaad ku jirto oo ay siddeed dhibcood ka dambayso Arsenal oo hogganka haysa.
$ads={1}
Guardiola ayaa isbeddello ku sameeyey shaxdii uu ku ciyaaray kulankii ugu dambeeyey, waxaana ka maqan Erling Haaland oo dhaawac ah oo aan ku jirin shaxda koowaad iyo kaydka midna, waxaana beddelay Julian Alvarez oo ka ciyaaraya weerarka dhexe.
John Stones iyo Nathan Ake ayaa ka ciyaaraya difaaca dhinacyada, halka Kevin de Bruyne uu kusoo bilowday kaddib markii uu waqti dambe beddel ku yimid ciyaartii Crystal Palace.
Dhinaca kale, Liverpool ayaa waxay kaydka gelisay Darwin Nunez oo aan si buuxda uga soo kabanin dhaawac kuranta ah, waxaana booskiisa ka ciyaaraya Diogo Jota, halka Cody Gakpo iyo Mohamed Salah ay boosaskooda xajisteen.
Khadka dhexe ayaa waxa kusoo laabtay Jordan Henderson, waxaana ka garab ciyaaraya Harvey Elliot iyo Fabinho.
$ads={1}
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Man City XI: Ederson, Stones, Akanji, Dias, Ake, Rodri, Gundogan, De Bruyne, Grealish, Mahrez, Alvarez.
Kaydka Ortega, Walker, Phillips, Laporte, Silva, Gomez, Perrone, Palmer, Lewis.
Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson, Fabinho, Henderson, Elliott, Gakpo, Jota, Salah.
Kaydka: Kelleher, Gomez, Milner, Firmino, Oxlade-Chamberlain, Tsimikas, Nunez, Arthur, Matip.
Waxaa qoray: Maxamed Xirsi
Tags
Wararka Ciyaaraha