Warka Dag Daga ah

Ma u suurtagaleysaa qatar in ay iibsato Manchester United?


 Taageerayaasha kooxda Manchester United iyo dad kale ee xiiseeya kubadda cagta waxay ka dhuur sugayaan cidda iibasan doonto kooxda xilli lagu sii siqayo wakhtiga kama dambeysta ah ee dadka daneynaya inay iibsadaan kooxdan ay ku gudbisan karaan dalabdkooda.

Milkiilayaasha kooxda Man United, ee Glazer family waxay ku rajo weyn yihiin inay iska iibiyaan kooxda xilli ay isha ku hayaan inay qaadaan tallaabooyin kale oo dhanka istaraatiijiyadda ah.

ilaa iyo hadda waxaa la ogyahay hal ah kaliya ah oo daneynayo in uu iibsado kooxda waana ganacsadaha ugu taajirsan Britain, Sir Jim Ratcliffe.

Arrintan oo maalmo laisla dhexmarayay ayaa waxaa lagu wadaa in Qadar ay gudbiso dalab ku saabsan kooxda.

Waxaa sidoo kale la filayaa in ugu yaraan labo dalab ay ka helaan Mareykanka waxaana jiray dalabyo xiiso leh oo ka yimid dhinaca Sacuudi Carabiya.

Waxay ka macno tahay inay jiri karaan ilaa shan dhinac oo isku dayaya in ay ka wada xaajoodaan sidii ay ku iibsan lahaayeen kooxda, iyada oo kuwa kale ay raadinayaan sidii ay maalgashi yar ugu sameysan lahaayeen kooxda Old Trafford.

Yaa gudbiyay dalabka kooxda?

Sida ay ku sheegeen ku dhawaaqistooda iibka suurtagalka ah ee November, Glazer Family waxay wali ka fiirsanayaan "dhammaan beddelka istaraatiijiga ah" ee kooxda, , oo ay ku jiraan koox cusub oo maalgashi sameyn kara ama macaamiil kale oo ku lug leh shirkadda.

Ninka sida weyn u taageera Man United ee Ratcliffe, oo ka mid ah ragga ugu qanisan Britain, ayaa la sheegay in uu daneynayo iibsashada kooxda, waxaana la fahamsan yahay inuu usii mari rabo adeegyada bangiyada waaweyn ee JP Morgan iyo Goldman Sachs si ay u caawiyaan.

Dalabyada Qadar iyo Saudi Arabia ayaa ah kuwo adag sababtoo ah waxay kala leeyihiin kooxaha Paris St-Germain iyo Newcastle.

Sida uu u ekaan karo dalabka Qadar?

Dalabka ugu dambeeya ee lagu iibinayo kooxda ayaa la qorsheeyay in uu ku ekaado bisha March, sida ay qorsheysay kooxda fadhigeedu yahay Mareykanka ee Raine Group- taasoo u xilsaaran raadinta ciddii iibsan laheyd kooxda.

Madaxweynaha kooxda ka dhisan Faransiiska ee Paris St-Germain, Naasir Al Khalafi ayaa ayaa lagu wadaa inuu fure u noqdo dalab kasta oo ka imaanaya Qadar, xitaa haddii uusan si toos ah ugu lug yeelan karin iibsashada kooxda.

Kooxda maalgelinta Isboortiga ee Qatar (QSI), oo uu madax ka yahay Al-Khelafi, ayaa eegaysay suurtagalnimada in saami yar lagu la wareego koox Manchester United, taas oo laga oggolaan doono sida uu dhigayo sharciga Uefa ee ka hortagaya lahaanshaha kooxo badan. QSI waxay horey saami ugu lahayd kooxda ka dhisan Bortuqiiska ee Braga.

Si kastaba ha ahaatee, marka la eego lahaanshaha QSI ee PSG, oo aysan wax dan ah ka lahayn inay iibiso, tallaabo kasta oo ka imaaneysa Qatar oo ay ku iibsanayso Man United gabi ahaanba waa inay soo martaa shaqsiyaad gaar ah ama ururro kale.

Tani waxay suurtagal u noqon kartaa Hay'adda Maalgashiga Qatar - waa madal maalgashi oo caalami ah oo ay ku jiraan dukaanka Harrods ee London iyo dhismaha ugu weyn UK ​​ee Shard.

Xitaa taasi waxay u baahan kartaa hay'adda maamusha Yurub ee Uefa inay wax ka bedesho xeerarkeeda ku saabsan lahaanshaha kooxaha badan, iyadoo dad badan ay dareemayaan in dhammaan lacagaha Qatar ay ka imaadaan xarumo dhexe.

Nasir Al Khalafi muxuu muhiim u yahay?

Al-Khelafi, oo 49 jir ah waa shakhsi caan ah oo si weyn uga dhex muuqda siyaasadda ciyaaraha, Al-Khelafi waxa uu qabtay xilka guddoomiyaha ururka naadiyada Yurub, waxaana uu xiriir dhow la sameeyay madaxweynaha Uefa Aleksander Ceferin.

Waa ninka loo arko in uu kaalin weyn ka ciyaaro karo dalab kasta oo ay Qatar ku iibsaneyso kooxda Man United, Manchester United iyo PSG isku tartan kuma jiraan xilli ciyaareedkan, sidaa darteed wax ka bedel kasta oo lagu sameeyo shuruucda Uefa si loogu ogolaado dalabka Qadar ee ibsashada Man United uma baahna in la dhaqangeliyo arrintani ilaa dhamaadka July. Kadibna waa in ay ansixiyaan guddiga fulinta ee Uefa.

Maalgelinta Qadar ee koox ka dhisan Premier League- iyo lahaanshaha labo koox oo waaweyn oo ka dhisan Yurub -arrintani waa sida weyn walaaca looga muujiyay.

Post a Comment

Previous Post Next Post

Search This Blog

Contact Form